Saturday, July 27, 2024

Xulka Soomaaliya oo wajaha Tanzania tartanka Cecafa U-15

Kampala (Dawan)- Xulka Soomaaliya ayaa maanta ciyaaraya kulanka kowaad ee tartanka Cecafa U-15 oo sannadkaan lagu qabanayo dalka Uganda, waxeyna ka hortegi doonaan xulka Tanzania.

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada Cagta, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in xulka Soomaaliya ee U-15 uu guul taariikhi ah kaso hooyn doono cayaaraha da’yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

“Soomaaliya waxa ay xoogga saareysa dhallinyarada iyo in kubbadda cagta hoos laga soo dhiso, xiriirkuna mar kasta waa ku xisaabtamayaa cayaaraha da’yarta oo aan ognahay in kuwii ka dhacay Asmara ay Soomaaliya ka gashay meel wanaagsan, halka tartankii U-17 ee ka dhacay Addis Ababa ay Soomaaliya ku guuleysatay” ayuu yiri Cali shiine.

Kulanka labaad waxaa xulka Soomaaliya ay iska hor imaan donaan dhiggooda Zanzibar 8-da bisha.

Kulanka ugu dambeeya wareega hore waxa uu dhex mari doono Soomaaliya iyo Rwanda 11-ka bisha November.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Shaxda rasmiga ah ee xulka Soomaaliya kusoo billaaban doono kulanka galabta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here