Saturday, July 27, 2024

Dowladda oo sheegtay in la dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa Soomaaliya ayaa sheegtay in howl gal qorsheysan oo xalay ka dhacay Galmudug lagu dilay seddex horjooge oo ka tirsanaa Al-shabaab.

“Hawlgalka oo xalay ka dhacay Galbeedka Ceel-La Helay waxaa lagu dilay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Khawaarijta, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa labo dembiile oo lagu daba jiray” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Dowladda ayaa uga mahadcelisay dadka deegaanka sida ay gacanta uga geysteen fulintan howlgalkaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here