Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay iskaashiga Ganacsiga

Doha (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa dhiggiisa Qatar, Cali bin Axmed kala hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada Ganacsiga iyo Maalgashiga.

Wasiirka oo ka mid ah wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin iyo ganacsata Qatar, iyada oo laga wada hadaly sidii ay ganacsata Qatar maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.

Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalka Soomaaliya.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here