Saturday, July 27, 2024

Hay’adaha ammaanka Kenya oo wada qorshe looga hortegayo dagaal beeleedka

Nairobi (Dawan)- Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dagaal beeleedyo iyo murano siyaasadeed oo ka dhacay gobolada kala duwan ee  dalka Kenya, sida uu sheegay, Wasiirka Arrimha Gudaha Kenya, Kithure Kindiki.

“Hay’adaha ammaanku waxay xoojiyeen dadaalkooda si loo soo xiro loona maxkamadeeyo dhammaan horboodayaasha iyo kuwii kiciyay rabshadihii dhawaan ka dhacay gobollada dalka”. ayuu yiri, Wasiirka Arrimha Gudaha Kenya

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in tillaabo laga qaadi doono ciddii maalgelisa ama  taageerta fal dambiyeedka la xiriira dagaal beeleedyada ka dhaca gobollada Waqooyi.

Waan ku daba jirnaa kuwa maalgeliya iyo kuwa hormuudka ka ah fal dembiyeedyada qabaa’ilka ee Rhamu (Mandera), Fafi (Garissa), iyo Marsabit” ayuu yiri, Kithure Kindiki

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli tobonaan qof lagu dilay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobollada Waqooyi-Bari.

In kasta oo mas’uuliyiinta iyo oday dhaqameedyadu ku baaqeen  xabbad-joojin, haddana waxaa sii socda  colaadda u dhaxaysa laba beelood oo wada dega  degmada Rhamu ee Waqooyiga Mandheera, in ka badan laba toddobaad, waxaana ku naf waayay dad kor u dhaafaya  shan qof.

Bishii hore, lix qof ayaa lagu dilay ismaamulka Garissa sababo la xiriira dagaal beeleedyo salka ku haya murano la xiriira dhul.

Barasaabka Garissa Nadiif Jaamac Aadan ayaa ku howlanaa maalmihii lasoo dhaafay shirar uu la qaadanayay  oday dhaqameedyada, madaxda deegaanka , saraakiisha amaanka, iyo culumaa’uddiinka si xal waara looga gaaro dhibaatada ka taagan deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here