Saturday, July 27, 2024

Dowladda Sheegtay in la dilay in ka badan 60 xubnood oo AS ah

Hiiraan (Dawan)- Ugu yaraan 60 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa la dilay aroornimadii Axadda, qaar kalena waa la dhaawacay kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay howlgal wadajir ah ka fuliyeen galbeedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu yiri ” In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan”

Bayaanku waxa uu intaas raaciyay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab sidoo kalena la burbiriyay saanad ciidan iyo waxyaabaha qarxa oo la doonayay in loosoo gudbiyo deegaano ku yaal bartamaha Soomaaliya.

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa”.

Al-shabaab ayaan ka hadlin howlgaalkaan ugu dambeeyay ee ay dowladdu sheegtay in lagu dilay tiro aad u badan oo Al-shabaab ah.

Dagaalka Dowladda iyo kooxda Al-shabaab ayaa hakad galay isbuucyadii lasoo dhaafay, iyada oo loo tiirinayo roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya dalka kaas oo sababy in la isaga gooshi waayo magaalooyinka qaar.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ku dhufteen fatahaadaha webiga iyo roobabka mahiigaan ah oo geystay khasaare nafeed, mid hantiyeed iyo barakac inta badan bulshada ku dhaqan degmooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi.

Howlgalkaan ayaa imaanaya hal maalin kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay go’aanmiyay in dowladda Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saarneed tan iyo sannadkii 1992-kii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here