Saturday, July 27, 2024

Dowladda Soomaaliya: Looma sameyn doono muddo kordhin Ciidanka ATMIS

Wasiirka Amniga Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Doodishe oo ka hadlay kulan ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid qurba joogta Soomaaliyed kana dhacay Ohio ee dalka Mareykanka ayaa caddeeyay in aysan jirin muddo kordhin loo sameeyn doono  ciidamada nabad ilaalinta ee  jooga Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in ay  jirto rejo wanaagsan taas oo kenatay  kor u  kaca maalgashiyada ganacsatada Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dalka, taas oo caddeyn u ah in kalsooni badan lagu qabo amniga iyo dadaallada dib u xoreynta oo ay dawladdu hoggaaminayso.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in lasoo gaba-gabeyn doono bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaliya  dhamaadka sanadka soo socda, isagoo xusay in 2000, oo askari ka baxeen dalka bishii June ee lasoo dhaafay.

“Dawladdu, waxa ay Ka shaqaynaysaa sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd amniga dalka dhammaan qaybhihiisa kala duwan. Waxaa bilaabmay bixitaanka ciidamada ATMIS, kuwaas oo dalka ka wada bixi doona dhammaadka sannadka soo socda, waxaana kaalintooda buuxin doona Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo dhismihiisu meel fiican marayo” ayuu yiri wasiir Doodishe.

Ciidamada ATMIS ayaa hore ugu howl geli jiray  magaca AMISOM, waxaana dhowr jeer loo sameeyay muddo  kordhin, iyadoo lagu sababeeyey in dagaalyahanada Al-shabaab weli  ku xooganyihiin Soomaaliya .

 Hadalka wasiirka ayaa  imaanaya xilli beryihii danbe uu jiray shaki laga qabo bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, maadaama uu weli socodo dagaalka u dhaxeeya dowladdda iyo Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here