Saturday, July 27, 2024

Neymar oo u jiheystay dhanka Sacuudi Carabiya

Ciyaariyahanka u dhashay dalka Brazil una ciyaara kooxda PSG Neymar Jr ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda Al-Hilaal ee dalka Sacuudi Carbiya.

Xiddiga reer Brazil ayaa ogolaaday heshiis labo sano ah, wuxuuna mushaar ahaan u heli  doonaa sanadkii adduun lacageed oo gaaraya 160 milyan oo euro.

Kooxda PSG ayaa  hore u ogolaatay inay Neymar ka iibiso kooxda katirsan Saudi Pro League ee Al-Hilaal

Neymar  ayaa koobab muhiim ah kula guuleystay kooxaha Barcelona iyo PSG, wuxuuna mar  noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa taariikhda markii PSG ay 222 milyan euro kaga soo iibsatay Barcelona sannadkii 2017.

Ciyaariyahano magac weyn ku leh kubadda cagta ayaa bilihii lasoo dhaafay ku biiray kooxaha kala duwan ee Sacuudiga, waxaana ka mid ah Karim Benzema, Firmino, Kante, Fabinho, Henderson, Riyad Mahrez, Sadio Mané iyo qaar kale oo badankood ka yimid horayaalada ugu xamaasadda badan ee qaaradda Yurub.

Caalamaka oo idil ayaa isha ku haaya horyaalka Sacuudiga, waxaana la isweydiinaya  heerka uu gaari doonta maadaama kooxaha kala duwan ee Sacuudiga lasoo wareegeen tababarayaal iyo ciyaartooy aad looga yaqaan dunida

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here