Monday, May 20, 2024

Sidee lagu ansixin jiray Dastuuradii kala duwanaa ee dalka soo maray?

Muqdisho (Dawan)- Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa bog cusub ka geli doona taariikhda dalka haddii uu ku guuleysto inuu ansixiyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee dhameystirkiisu soo jiitamayay muddada dheer.

Baarlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay dhameystirka Dastuurka kumeel gaarka ah gaar ahaan cutubyadiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad si ugu dambeyn loo ansixiyo Dastuur rasmi ah uu dalku yeesho.

Yaa ansixyay Dastuuradii dalka soo maray?

Tan iyo markii dhidibada loo taagay dowladniamda casriga, Soomaaliya waxa ay yeelatay dhowr Dastuur kuwaas oo ansixintoodana loo maray waddooyin kala duwan.

Anxisinta Dastuurka marka ay timaado, waxaa lagama maarmaan ah in uu jiro Gole sharciyad u heysta meelmarinta Dastuurka kaas oo noqon jiray marka la eego sooyaalka Soomaaliya (Wakiilada Baarlamanka markaas jira, Gole ka kooban ergo si gaar ah loo soo xulay ama isku dhafka labadooda).

Tusaale ahaan Dastuurkii 1960-kii, waxaa ka dooday sidoo kalena ansixyay isku dhafka Baarlamaankii xilligaas iyo ergo bannaanka ka timid.

Dastuurkii 1979-kii, waxaa meelmariyay kaliya ergo laga soo xulay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo tiradoodu ahayd 800, oo qof.

 12 October 1990, Xubnihii Baarlamaanka ee joogay xilligaas ayaa ansixyay Dastuurkii 1990-kii.

Dastuurka ku meel gaarka ah ee hadda la doonayo in la dhameystiro, waxa uu ahaa Axdi qarameed, waxaana ansixiyay Gole loogu magac daray ” Golaha Metelaadda Qaran” oo ka koobnaa 825 ergo taariikhdu marka ay ahayd  1-dii Augusto 2012.

Qaabkee loo mari doonaa ansixinta Dastuurkan dooddiisu socoto?

Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka ee la ansixiyey January 24, 2024 wuxuu dhigayaa in labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay leeyihiin Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka.  

Guntanka kulamada wadajirka laba Gole ee gaarka ah ee ku saabsan ansixinta soo jeedimaha kama dambeysta ah ee wax-ka-bedelka Dastuurka wuxuu ku qabsoomayaa in ay goobjoog yihiin saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Gole kasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Soo jeedinta wax-ka-beddelka kama dambeysta ee cutubyada Dastuurka soo idlaaday, waxaa si kama dambeys ah ku ansixinaya saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Aqalka Sare.

Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu SI KU-MEEL-GAAR-AH U DHAQAN GELAYAA markii lagu soo saaro Faafinta Rasmiga , wuxuuna dhaqan joogta ah yeelaanaya markii lagu kordhiyo qodobada kasoo baxa heshiiska wadahadalka Soomaaliya iyo Gobollada Soomaaliyeed ee Somaliland, Shacbiguna si kama dambays ah ugu ansixiyo Afti Qaran.

Golaha Shacabka

Tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka waa 275 waxa ayna metelaan Shacbka Soomaaliyeed iyaga oo u qeybsan habka awood qeybsiga ee loo yaqaano 4.5, waxaana xildhibaan kasta soo doortay ergo gaareysa 101 qof , sidaas ayaana loogu magac daray magaca Golaha Shacabka.

Awoodaha ugu weeyn ee Golaha Shacabka waxaa kamid ah; Doorshada Madaxweynaha, iyo xil ka qaadistiisa, Ansixinta xukuumadda, dejinta iyo meel marinta shuruucda.

Aqalka Sare

Aqalka Sare waxaa la soo kordhiyay 2016-kii waxa uu ka koobanyahay 54 senator, oo kala metela Dowlad Goboleedyada waxaana soo doorta Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.

Aqalka Sare waa Golaha la geeyo go’aamada ugu dambeeya inkasta oo ay xoogga saaraan danaha Maamul Goboleedyadii soo doortay, waxeyna Golaha Shacabka la wadaagaan arrimaha waaweyn sida doorashada Madaxweynaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here