Saturday, July 27, 2024

Duqeymo ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay Sh/Hoose iyo Mudug

Muqdisho (Dawan)- Duqeyn cirka ah oo ka dhacday  deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan xoogaga Al-shabaab sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Xubanaha la dilay waxaa ka mid ah horjoogayaal ku sugnaa guri ku yaal deegaanka, inkasta oo aan la sheegin magacyadooda iyo tiradooda.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa xaqiijisay weerarka cirka ah ee ka dhacday deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray, iyaga oo sheegay in lala beegsaday xabsi

Al-shabaab ayaa intaas ku dartay in khasaaraha ka dhashay uu yahay dhimashada afar maxbuus iyo dhaawac todobo qof.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi iyo wasiir ku xigeeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaal ayaa labaduba sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay xaooga Al-shabaab kadib markii la bartilmaameedsaday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Dumaaye oo dhanka waqooyi galbeed ka xiga degmada Xarardheere.gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray “Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey waa isku bas beeleen

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya ayaa isaguna xqiijiyay in howlgal lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shababaab uu ka dhacay Mudug, isaga oo yiri “ Khawaarijtii Mudug waxaa haleelay hawlgal culus oo ka dhacay Dumaaye, goobta waxeey ku uruurinayeen Maleeshiyaadkii haraadiga ah ee ku go’doonsanaa Gobalka kuwaas oo ay ka hayaan Waardiye si aanay ukala fakan.”

Duqeyntaan is daba joogga ah ayaa kusoo aadeysa, kadib markuu  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab sii socon doono ilaa laga saarayo dalka oo idil.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here