Friday, July 26, 2024

Booliska Soomaaliya oo qabtay laba nin oo waday gaari qarax siday

Muqdisho (Dawan)- Af-hayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin dheeraad ka bxiiayay qarax maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Af-hayeenka ayaa sheegey in ciidmada amaanku ku guuleyteen inay qabtaan laba nin oo waday gaari laga soo buuxiyay  walxaha qarxa oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo shacabka.

“Ciidadama roondada degmada Deyniile ayaa ka hor tegay gaari walxaha qarxa lga soo buuxiyay, kadib markii shaki laga muujiyay sida uu meesha kusoo galay, waxeyna gacanta ku dhigeen laba eedeysane oo hadda su’aalo la weydiinayo” ayuu yiri Af-hayeenka Booliska Soomaaliya

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in gaarigu qarxay kadib markii la qabtay labada nin, isaga oo sheegay inasysan jirin  wax khasaaara ah oo ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay degmada Deyniile.

“ wax khasaara ah haba yaraate oo kasoo gaaray dadka shacabka ahaa ee goobta ka ag dhawaa iyo ciidankii dhagarta fashilay ma jiraan. Labada eedeysane waxaa la hor geyn doona maxkamadda ku shaqada leh si caddaaladda loo waafajiyo ayuu Doodishe yiri.

Af-hayeenka ayaa warbaahinta u sheeegay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo meesha uu gaariga ka yimid iyo sida uu kusoo gaaray goobta lagu qabtay, kadibna lala wadaaagi doono dadweynaha wax kasoo baxa baaristaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here