Saturday, July 27, 2024

Duqii hore ee Muqdisho oo geeriyooday

Muqdisho (Dawan)- Allaha u naxariistee Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Cali Uagas Cabdulle ayaa maanta ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee maagalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Cali Ugaas Cabdulle ayaa soo noqday Duqa Muqdisho sannadihii 1987-kii ilaa 1900-kii, waxa uu sidoo kale soo qabtay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Madaxda ugu sarreysa dowladda ayaa geerida Marxuumka uga tacsiyeysay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri ” “Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed”

Sidoo Kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Dhankiisa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxriisto Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn kasoo qaatay nabadeynta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dib u yagleelida Dowlad dhiska Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here