Wednesday, May 8, 2024

Ethiopian Airlines oo dib u billaabeysa duulimaadyadeedi Qabridahar

Jig-jiga (Dawan)- Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa soo gabo gabaysay diyaargarowga ay dib ugu billaabeyso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Qabridahar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sida uu qorshuhu yahay , Ethiopian Airlines ayaa lagu wadaa in ay todobaadkii laba duulimaad ku tagto magaalada Qabridahar

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay in tillaabadan ay ka mid tahay qorshaha lagu ballaarinayo duulimaadyada gudaha dalka Itoobiya, iyada oo magaaladii saddexaad ee ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ku tageysa duulimaad marka lagu daro Jig-jiga iyo Godey.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxa uu sheegay inuu dadaal dheeraad ah ku bixiyay sidii shirkadu usoo celin laheyd duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Qabridahar oo cillado farsamo aawgeed hakad u galay waayadii ugu dambeysay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Qabridahar, ayaa loo diyaaiyay inuu qaabilo duulimaayada ay Ethiopian Airlines ku tageyso kuwaas oo ka qeyb qaadan doona isku socodka bulshada ee deegaanka iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku howlaneed sannadihii lasoo dhaafay sidii magaalooyinka deegaanku u yeelan lahaayeen garoomo diyaaradeed oo casri, waxaana bishii February ee sannadkan la furay garoonka diyaaradaha Ugaas Miraad ee Magaalada Godey.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay xilligii la furayay in garoonka diyaaradaha ee Ugaas Miraad uu yahay garoonka ugu tayada badan garoomadda diyaaradaha Itoobiya marka laga reebo kan Addis Ababa, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’antahay xukuumaddiisa kor u qaadida tirada iyo tayada mashaariicda horumarineed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here