Wednesday, May 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

GERMANY

Berlin- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa khudbad ka jeedin doonta shirka 15-aad ee wada hadalka cimilada ee Petersberg.

Shirka waxaa ka qeyb gelaya wakiilo heer sare ah oo ka socda ilaa 40 waddan, waxaana looga doodi doona sidii meel la iskula dhigi lahaa tillaabooyinka looga gudbi karo dhibaatada cimilada.

PORTUGAL

Lisbon – 50 sano ayaa laga joogaa kacaankii Carnation ee ka dhacay dalka Portugal.

Ciidamada militeriga ayaa xilka ka tuuray xukuumaadii Marcelo Caetano 25-kii April, sannadkii 1974.
Kacaankaas waxa uu keenay in xukun dimoquraadi ah ka hirgalo dalka Portugal sidoo kalena uu dhamaado gumeysigii Boortaqiiska ee qaaradda Afrika.

US

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed iyo bini’aadantinimo ee dalka Suuriya.

Washington – Mudaaharaadyo badan oo ay ardaydu hogaaminayaan ayaa ka socda Jaamacadaha Mareykanka.

Mudaaharadyadan ayaa lagu taageeraya Falastiin, waxaana looga soo horjeeda weerarada Israel ay ka fulineyso Marinka Gaza.

TÜRKIYE

Ankara – Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz ayaa ka qeyb galaya shirka ganacsiga ee Turkiga iyo Kazakhstan, isaga oo sidoo kale goob joog ka noqon doona xafladda saxiixa Guddiga Wadajirka Dhaqaalaha ee labada dowladood.

Ruushka

Moscow – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirweynaha Midowga Warshadaha iyo Ganacsatada ee Ruushka.

Moscow – Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Ryabkov ayaa warbaahinta ka siin doona faahfaahin dheeraad siyaasaadda ay dowladdiisu ku hoggaamin doonto ururka dhaqaalaha ee BRICS sannadka 2024-ka.

MONGOLIA

Ulan-Bator – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, David Cameron ayaa booqan doona dalka Magnolia, taas oo qayb ka ah socdaalka uu ku marayo bartamaha Aasiya..

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Ururada bulshada rayidka ah ee Koonfur Afrika ayaa billaabaya ololaha ay ugu magac dareen Todobaadka Falastiin , si ay u muujiyaan taageeradooda ay ku doonayaan in shacabka Falastiin uu helo caddaalad, xorriyad iyo xuquuq la mid ah dadka kale ee dunida.

KENYA

Nairobi- Waxaa heegan sare la galiyay kooxaha gurmadka deg-dega ee dalalka Bariga Afrika, kadib markii roobab mahiigaan ah oo aan kala joogsi laheyn ay ka da’een maalmihii lasoo dhaafay gobolka oo dhan.

Nayroobi – Dhakhaatiirta Kenya ayaa sii wadi doona shaqo joojintooda bishii labaad oo xiriir ah ka dib markii uu fashilmay wada xaajoodkii xukuumadda ee loogu kordhinayay mushaarka.

SHIINAHA

Beijing- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho rasmi ah oo saddex maalin ah ku tagay dalka  Shiinaha.

Beijing – Dayax-gacmeedka Shenzhou-18, oo ay saaran yihiin 3 cirbixiyeen, ayaa la qorsheeyay in laga diro xarunta dayax-gacmeedka Jiuquan ee ku taal waqooyi-galbeed ee dalka Shiinaha.

BANGLADESH

Dhaka- Dowladda Myanmar ayaa dib u soo celinaysa 285 askari kuwaas oo u cararay dalka Bangladesh xilligii ay colaaduhu ka jireen Myanmar.

INDIA

New Delhi – Doorashada guud ee dalka India ayaa socon doonta toddobaadyo, iyadoo olole doorasho oo xooggan uu ka socdo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here