Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo Midowga Yurub uga mahadceliyay garab istaagga Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyadda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xaaladda Gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo tayeynta ciidamada, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Viila Somalia .

War-saxaafadeedka Madaxtooyada ayaa intaas ku daray in Egeyga Midwoga Yurub ee Geeska Afrika Marwo Annette Weber ay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo deganaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan ayaa ka mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

Soomaaliya ayaa billaawday dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskii Badda ee dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishaan january.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here