Saturday, July 27, 2024

Sawiro: Diyaar garowga tartanka koobka Qaramada Afrika

Abidjan (Dawan)- Dalka Ivory Coast ayaa ku jira diyaar garowgi ugu dambeeyay ee marti gelinta tartanka koobka Qaramada Afrika oo la billaabi doono 13-ka bishaan January.

24-ka dal ee ka qeyb gelaya tartanka 34-aad ee koobka Qaramada ayaa loo qeybiyay lix Group.

Kulamada ciyaaraha koobkaan waxaa lagu qaban doonaa 6 garoon oo loo qaybiyay 5 magaalo, kuwaas oo kala ah Abidjan, Yamoussoukro, Bouaké, Korhogo iyo San Pedro.

Ciyaarta furitaanka tartanka ayaa lagu wadaa in ay dhexmarto xulalka Ivory Coast iyo Guinea-Bissau.

Masar ayaa heysata koobabka ugu badan, waxeyna ku guuleysatay koobka qaramada Africa toddobo jeer, halka ay kaalinta labaad ku jirto Cameroon oo ku guuleysatay koobkaan shan jeer.

Senegal ayaa ah dalkii ugu dambeeyay ee ku guuleysta koobka sannadkii 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here