Saturday, July 27, 2024

Farta rasmiga ee Maayga oo la daah-furay

Baydhabo (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa maanta si rasmi ah u furay shaacinta farta rasmiga ah ee Maayga.

Furitaanka shirka waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftageen, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baarlamaanka KGS, Xildhabaanadiisa iyo Wasiirada maamulka.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Afka Maayga uu yahay af hodan ah micno badana leh, ayna ku hadlaan dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala nool qeybo badan oo ka mid ah dalkeenna.

Gudoomiye Sheekh Aadan ayaa boggaadiyay islamarkaana dhiira-geliyay, guddigii ka soo shaqeeyay qorista farta Maayga, oo maanta si rasmi ah loo shaaciyay, waxaana uu xusay in halgan dheer loo soo maray mudo badana lagu howlanaa qorista Farta Maayga.

Sida la yiraahdo Soomaaliga waxaa loo qeybiyaa Maay iyo Maxaa tiri, basle Dowladdii Militeriga ayaa qortay kaliya Maxaa tiriga, taas oo keentay in la waayo qoraalo Maay ah oo rasmi ah.

Qoraalka Maayga ayaa usoo kordhin doonta Af-Soomaaliga erayo, suugaan, dhaqan iyo in si fudud loo barto Maayga, sida ay qabaan qaar ka mid ah khubarada luqadaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here