Saturday, March 2, 2024

Xubinimada EAC waxay Soomaaliya  iyo Gobolkaba u  horseedi doontaa xasilooni iyo barwaaqo

Muqdisho (Dawan)- Faalladaan ka hadleysa dadaalkii laga soo maray iyo qiimaha ay Soomaaliya u leedahay ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika, waxaa qoray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac.

Hoggaamiyayaasha Wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (East African Community) ayaa dhawaan go’aan ka gaaraya in Soomaaliya ay ugu dambeyntii noqoto xubintii 8-aad ee Urur Goboleedkaan oo hadda ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo iyo Konfuurta Suudaan.

Marxaladihii ay Soomaaliya usoo martay ku biirista Bulshada Bariga Afrika

Bishii Juun ee sannadkaan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkaan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.  

Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaar garowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka.

Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka”.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wadahadallo ah oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka.

Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada.

Muddo dheer ayay Soomaaliya sugeysay inay mira dhaliso hammigeeda ah inay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay markii ugu horreysay isku dayday inay ku biirto sannadkii 2012-kii.

“Baadi-goobka ku biirista Urur Goboleedka EAC waxay ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii dib loo doortay 15 bishii May, 2022. Haddii la ansixiyo sida la wada filayo, waxay noqon doontaa gaarista ama meel marinta riyo 11 sano ah iyo sannado shaqo iyo hawlo adag loo soo marey”

Oggolaanshaha ku biiritaanku ma ahan mid bishaaro u noqoneysa Soomaaliya oo keliya, balse waa mid ay ku baraari doonaan guud ahaan waddamada gobolka ku yaalla.

Soomaaliya waxay horey u deristay una aqoonsatey faa’iidooyinka ku biiritaanka EAC, iyadoo inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka ay qeyb ka yihiin Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – AMISOM (oo haatan loo yaqaano ATMIS) -ciidamo dalalka EAC ka mid ahna ay Soomaaliya waqtigaan xaadirka ah joogaan.

Hawlgalka Midowga Afrika uu garwadeenka ka yahay, ayaa ku shaqeeya qaraar uu soo saarey Golaha Ammaanka ee Qaramamada Midoobay, wadamada Bariga Afrikana waxa ay si dhow oo wadajir ah ugu jiraan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Waxaa aan shaki ku jirin in walaalaheena dalalka gobolka ay door weyn oo muhiim ah ka cayaari doonaan dib u dhiska Soomaaliya nabad ah, xasiloon, wax badan oo wanaag ahna ku soo kordhisa Gobolka Bariga Afrika, sannado badan oo colaado iyo caqabado kale kadib”.

Maxay Soomaaliya ka faa’iidi doontaa ku biirista Bulshada Bariga Afrika?

Soomaaliya wax badan ayay ka faa’iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta.

Mashaariicdaan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka, sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka.

Waddamada Bariga Afrika, waxaa ku nool in ka badan 200 oo milyan oo qof, taas oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.

Xubinimada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa fursadaha la socda waxaa ka mid ah isu socodka dadka iyo isku gudubka badeecadaha gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Tani waxay wax weyn u noqon doontaa dhaqaalaha maadaama ay horayba u joogeen boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka ganacsanayay gobolka.

“Marka la eego heerka dhaqan-bulsho, wax-is-weydaarsiga dadka ma ahan oo keliya mid door ka cayaareysa kor u qaadista heerka nololeed ee muwaadiniinta, balse waxay sidoo kale wax badan ka tari doontaa xaqiijinta riyada is-dhexgalka ee waddamada gobolka ku yaalla”.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in la wadaago aqoonta hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee dimoqraadiyadda, dowlad wanaagga, sharci-dejinta, sinnaanta iyo xasilloonida deegaanka. Dalkeenu wax badan ayuu ka baran doonaa si uu u gaaro xasilooni buuxda, sannado badan oo qalalaase ah kadib. Wadamada Bariga Afrika ayaa taageero iyo garab istaag ku dheehan derisnimo iyo walaaltinimo u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dagaalka uu kula jiro argagixisada si meesha looga saaro Khawaarijta Al Shabaab dhammaadka sanadkaan, taageeradaasina waa mid aan si weyn abaal uga hayno hoggaamiyayaasha gobolka.

Maxay Soomaaliya ku kordhin doontaa Bulshada Bariga Afrika?

Dhankeeda, Bulshada Bariga Afrika waxay ku naaloon doontaa suuq ganacsi oo la ballaariyay oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed oo ka badan 17 milyan oo qof. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga iyo wax soo saarka guud ee Bariga Afrika.

Gobolka wuxuu fursan u helayaa inuu manaafacaad weyn ka helo ka faa’iidaysiga ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika, sidoo kale Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah iyo macdan aad u badan oo ay ka faa’ideysan karaan dalalka deriska la ah.

Soomaaliya waxa ay leedahay awood beereed baaxad leh oo looga faa’iidaysan karo danta Bariga Afrika oo dhan. Maanta, beeruhu waxay wax ku biiriyaan 65% GDP (Gross Domestic Product), ahna isha ugu weyn ee shaqa abuurka.

Ka faa’iidaysiga iyo casriyaynta kheyraadka beeruhu waxa ay wax badan ka tari doonto ma aha oo kaliya arrimaha sugnaanshaha cuntada ee Soomaaliya, balse kuwa gobolka oo dhan ayay dabooli kartaa.

Wadamada Bariga Afrika waxay sidoo kale ka faa’iidaysan doonaan shacabka Soomaaliyeed oo intiisa badan ka kooban dhallinyaro wax weyn ku soo kordhin karta koboca dhaqaalaha gobolka.

Siyaasad ahaan, kordhinta tirada xubnaha  Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC waxay kordhin doontaa saamaynta ay ku leedahay gobolka, waxayna kor u qaadi doontaa codkeeda siyaasadda Afrika iyo tan caalamka.

“Soomaaliya waxay awood saameyn ku yeelan doonta go’aamada masiiriga ah ee arrimaha Bariga Afrika iyo sidoo kale Geeska Afrika. Xubinimada Soomaaliya ee ururka waxay sidoo kale wax ka tari doontaa xal u helista caqabadaha amni ee Geeska Afrika”

Soomaaliya diyaar ma u tahay in ay ku biirto Ururka EAC ?

Waxaa jira koox yar oo dhalleecaynaya ama si xun u fasiraya doonista Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC. Waxay kooxdaasi ku doodeysaa in Soomaaliya weli aysan diyaar u ahayn ka mid noqoshada Ururka Bariga Afrika, balse xaqiiqadu waa ay ka duwan tahay fikirka ay qabaan.

Kooxda khubarada ah ee xaqiijinta sameeyay ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee heerka ku biirista ururka, taasina ay soo dedejisay in madaxda waddamada EAC ay meel mariyaan warbixinta khubarada, tallaabadaas oo muujineysa sida ay ugu kalsoon yihiin Soomaaliya iyo diyaar u ahaanshaheeda ku biiritaanka Urur Goboleedka EAC.

Kuwa iska indha tiraya xaqiiqada dalka taalla, waxaa muuqata inay jeclaan lahaayeen in aysan Soomaaliya ka soo bixin dambaska mugdiga ay soo martay. In aynan horumarin. In aynan ka faa’iidaysan siyaasadda gobolka, Afrika iyo caalamkaba laakiin Soomaaliya hadda ayay fursad iyo waqtiba haystaa

“Waa inaan marnaba lag fikirin in Soomaaliya ay horumar ku sameyn karto iyadoo ku jirta xaalad go’doon ama keli ah”

Waxaana mar walba horumarka uu ku jiraa wadajirka ama iskaashiga waddamada ay dantu ka dhexeyso. Tallaabada ay dowladda muhimad gaar ah ku siineyso ururkaan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa sida Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ay uga go’an tahay inuu mudnaanta siiyo dadaallada kor loogu qaadayo heerka nololeed ee qof kasta oo Soomaali ah.

Waxaa jira halhays Af Sawaaxili ah oo oranaya, ‘Umoja ni Nguvu’, oo macnaheedu yahay “Midnimadu waa Awood”. Haddii ay Soomaaliya rabto in ay meel fog gaarto, waxaa Khasab ah inayna keligeen iska duulin. Waa inaan gacmaha is qabsanaa dhammaan wadamada gobolka oo aan si wada jir ah u horumarino una barwaaqowno.

Waxaan si weyn u dhowreynaa dhammaadka bishaan November in si rasmi ah na loogu aqoonsado inaan noqono xubinta cusub ee ku soo biireysa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community). 

Tallaabadan ayaa abuuri doontaa waa cusub oo rajo leh, xasilooni, iskaashi iyo horumar wadaag ah.

Waxaan rajeyneynaa inaan qeyb ka qaadano kulanka lagu soo bandhigi doono Hiigsiga 2050 ee Urur Goboleedka EAC ee wanaajinta ka faa’iidaysiga kheyraadka gobolka, si loo dardargeliyo wax soo saarka iyo samafalka dadyowga gobolka ku nool.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here