Monday, May 20, 2024

Warfaafinta Soomaaliya muhiimad ayay u leedahay taariikhda iyo dhaqanka dalka

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac

Xuska maalinta Warfaafinta iyo Warrbaahinta Soomaaliya waa fursad muhiim ah oo lagu aqoonsanayo muhiimadda ay afka iyo warbaahinta Soomaaliyeed ku leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka.

Maalintan waxay kale oo ay ina xusuusineysaa daabacaadda wargeyskii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ah oo haatan laga joogo muddo ka badan nus qarni. Tallaabadaas waxay wax weyn ka tartey horumarka warbaahinta Soomaalida, taas oo suurtagelisay faafinta macluumaadka iyo afkaarta afka Soomaaliga.

Horumarinta iyo ilaalinta afka Soomaaliga si tayo sare leh ayaa iyana muhiim u ah ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya iyo in la hubiyo in dadkeedu ay heli karaan macluumaadka oo ay si hufan u cabbiraan fikirkooda.

Waxa kale oo muhiim ah in hawl-wadeennada warbaahinta Soomaaliyeed, aqoonyahannada, iyo qoraayaasha ay labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo tayeynta afka Soomaaliga ah, si looga hortago in la dhalan rogo ama adeegsigiisa uu yaraado.

Anaga oo xusayna maalinta warfaafinta Soomaaliya, isla markaana xoogga saarayna muhiimadda iyo qiimaha Afka Soomaaliga iyo warbaahinta, waxaan ka qeyb qaadan karnaa sii wadida kobaca iyo firfircoonida dhaqanka hodanka ah ee bulshada Soomaaliyeed.

HAMBALYO MAALINTA QARAN EE WARFAAFINTA SOOMAALIYA

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here