Saturday, July 27, 2024

G/Wasiirrada oo ansixiyay heshiiska shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulan gaar ah ayaa ansixiyey heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga billaawgii bishaan March

“Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Waasaaraha.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in heshiiskan uu Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyada oo laga maamrmi doono deeqadaha caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 7-dii bishaan March ku kala saxiixday magaalada Istanbul heshiis shidaal baaris iyo qodis ah oo laga sameynayo barriga iyo xeebaha Soomaaliya.

Warbixin ay hore u soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya laga yaabo inay haysato ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto kuwaas oo isagu jira shidaal iyo gaas ah, balse waxay u baahan tahay maalgashi qaadan kara seddex ilaa shan sano.

Sannadkii 2022, Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis sahamin dhanaka shidaalka ah la gashay shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka, iyada oo la qorsheeyay in qodista shidaalka ay billaabato 2025.

Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxa ay Soomaaliya gelisay lacag aad u fara badan, iyada oo ka furatay Muqdisho safaaradda ugu weyn ee ay ku leedahay caalamka, waxeyna sidoo kale ugu deeqay Soomaaliya in ka badan 1 bilyan oo dollar oo gargaar bini’aadinimo ah .

Turkiga ayaa hadda saldhig weyn ku leh Magaalada Muqdisho, iyada oo shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho.

Waxaa lagu qiyaasaa in Turkigu uu tababaray in ka badan 16,000 oo askari oo Soomaali ah, tiradaas oo u dhiganta seddex meelood meel ciidamada milateriga Soomaaliya, kuwaas oo lagu tababaray gudaha Turkiga iyo saldhigga ku yaal Soomaaliya ee loo yaqaano Turksom.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here