Saturday, July 27, 2024

War-saxaafadeed: Shariif iyo Farmaajo oo ku baaqay Shir Wasatashi ah

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynayaalkii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxafaadeed ay uga soo horjeedaan qorshaha lagu doonayo in berri lagu ansixiyo wax ka bedelka lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horeysa Dastuurka.

Shariif iyo Farmaajo ayaa ku eedeyay madaxweyne Xasan iyo guddoonka Baarlamaanka in aysan dan ka lahayn wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed

“Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida ah 30-ka Maarso 2024, waa mid sii cadayneysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka.

Qoraalka ay soo saareen labadii madaxweyne ee hore ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaystay tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay qabsadaan shaqadii shacabku u wakiishay ee ilaalinta sharciga iyo midnimada dalka

Shariif iyo Farmaajo ayaa gabagabadii ugu baaqay masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed in ay kasoo qeyb galaan shir wadatashi si loo ilaaliyo dowladnimada iyo midnimada dalka iyo dadka, inkasta oo aysan sheegin xilliga iyo goobta lagu qabanayo shirkaas.

“Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena”.

Hadalka labada madaxweyne ayaa kusoo beegmaya iyada oo berri lagu ballansanyahay in la meelmariyo wax ka bedelkii lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horeysa Dastuurka kuwaas oo kala ah; Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka, Dhulka, Hantida iyo Deegaanka iyo Mataaladda Shacabka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here