Saturday, July 27, 2024

Gaarisa: Burcad dhac u geysatay dad shacab ah oo lasoo qabtay

Gaarisa (Dawan)- Boliiska Kenya ayaa ku guuleystay in uu soo qabto buracd dhac u geysatay dad shacab ah kuwaas oo safar uga baxay Ismaamulka Gaarisa kuna sii jeeday deegaanka Dhagaxley.

Dadka dhaca lo geystay ayaa ahaa seddex qof, waxaana laga qaatay lacag dhan 875 kun oo shilinka dalka Kenya ah.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen dhibanayaashu, ragga geytay dhaca ayaa ahaa seddex waxeyna ku hubeysnaayeen qoriga loo yaqaano AK47.

Waxa ay intaas ku dareen in buracddu ay rasaas ku furtay gaarigi ay saarnaayen balse aysan ka dhalan wax khasaara ah

Boliiska ayaa weli baaritaano ka wada goobtii ay wax ka dhaceen, waxeyna ballan qaadeen in ay soo qaban doonaan kuwa dhibaatada ku haya xasiloonida iyo nabadda deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here