Saturday, July 27, 2024

Suudaan oo hakisay xubinimadeedi Ururka IGAD

Khartoum (Dawan)- Dowladda Suudan ayaa ku wargelisay urur Goboleedka IGAD in ay hakisay xubinnimadeeda ururka Bariga Afrika, sida uu maanta oo Sabti ah sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Xukuumadda Suudaan ayaa Talaadadii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay joojin doonto la tacaamulka kala dhaxeeya Ururka IGAD, iyada oo ka caroortay casuumaadii loo fiday hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Daglo, si uu uga qeyb galo shir madaxeedkii ururuka ee lagu qabtay Khamiisti Kampala.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Golaha ku meel gaarka ee dalkaas, Cabdifataax Al-Burhaan Burhaan uu warqad u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah Guddoomiyaha ururka, si uu ugu sheego go’aanka Dowladda Suudaan ay ku hakisay xubinnimadii ururka.

Suudaan waxa ay wajahaysaa mid ka mid ah xasaradaha ugu ba’an ee ka socda dunida, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini aadantinimada ee OCHA.

Hay’addu waxa ay intaas ku dartay in dad ka badan 7.4 milyan ay ku barakaceen colaadda ka jirta dalkaas iyada oo kala bar dadkaas ay u baahan yihiin gargaar bini aadantinimo oo deg deg ah.

Dadka ku geeriyooday iska hor imaadyada ka socday dalka Sudaan tan bishii April ee sannadkii tegay ayaa lagu qiyaasay 13,000 oo qof.

War-saxaafadeedkii kasoo baxay Shir Madaxeedkii Dowladaha IGAD ee Khamiista, ayaa lagu celiyay baaqi ahaa in ay labada dhinac sameeyaan xabad joojin deg deg ah oo shuruud la’aan ah.

Ururka ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadayaan dadaallada ay ku bixinayaan sidii loo fududeyn lahaa hannaanka geedi socodka nabadda ee Suudaan, waxayana mar kale la mudeeyay kulan fool ka fool ah oo dhax mara labada dhinac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa War-saxaafadeedkaas ku tilmaamtay mid xad gudub ku ah madax bannanida Suudaan, iyada oo sheegtay inuu meel uga dhacay dareenka qoysaskii dadkooda loo geystay xasuuqa.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in wixii qoraal ah ee kasoo baxa urur Goboleedka IGAD in aysan quseynin arrimaha Suudaan.

Uruur Goboleedka IGAD waxaa dhidibada loo taagay sannadkii 1996-kii, waxaana xubin ka ah Dowladaha dhaca Bariga Afrika ee kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Uganda, Eritrea, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here