Saturday, July 27, 2024

Galmudug oo markii ugu horeysay ku guuleysatay tartanka M/Goboleedyada

Muqdisho (Dawan)- Galmudug ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay koobka tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kadib marki ay rigoorayaal uga adkaadeen Hirshabeelle ciyaar adag oo kusoo dhamaatay 0 iyo 0

Gool haya Galmudug ayaa noqday geesiga ciyaarta kadib markii uu laba rigoore ka qabtay ciyaartooyda Hirshabeelle.

Maamul Goboleedka Galmudug oo markii labaad oo xiriir ah imaanaya finaalka tartanka ayaa ugu damneyn koobka geyn doona Dhuusamareeb halka Hirshabeele ay u ahayd y markii koowaad oo ay soo gaaraan kama dambeysta tartanka Maamul Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir.

Maamul Goboleedka Hirshabeele waxa uu kasoo badiyay Jubbaland halka Galmudug ay kasoo badisay Banaadir oo heysatay koobkii ugu dambeeyay ee la qabtay sannadkii 2020.

Ciyaaraha Koobka Maamul Goboleedyada ayaa dhowr jeer dib loo dhigay sababa la xiriira fowdo ka dhacday garoonka ciyaaraha iyada oo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka baxay tartanka kadib markii lagu xad gudbay qaar ka mid ah ciyaartooydooda

Maamul Goboleedaka Puntland ayaa uga maqnaa tartanka sababo la xiriirka khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya maamulkaas iyo madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa kusoo qoray bartiisa Facebook ” Hambalyo Habmalyo dhallinyaro.Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here