Saturday, July 27, 2024

11 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada isku xirta Kisumu iyo Nairobi

Nairobi (Dawan)- Sida la xaqiijiyay 11 qof ay ku dhimatay shil ka dhacay waddada weyn ee isku xirta Magaalooyinka Kisumu iyo Nairobi, kadib marki ay isku dhaceen Bas iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka qaada.

11 qof ee dhintay oo ay ku jireen 8 dumar ah iyo cunug yar ayaa la geeyay qeybta meydadka si loogu wareejiyo eheladooda.

Madaxa ciidamada taraafikada ee Gobolka Nyanza , Allan Mwangi oo xaqiijiyay dhacdadan ayaa sheegay in 53 qof ay shilkan ku dhaawacmeen kuwaas oo la geeyay isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga ee Kisumu si loo daaweeyo.

Mwangi ayaa intaasi ku daray in baska oo ku sii jeeday magaalada Nairobi uu isku dayay inuu gaariga xamuulka ka hor maro.

Booliiska ayaa gaadiidleyda ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si looga hor tago shilalka waddooyinka.

Dalka Kenay ayaa ku jira dalalka ugu shilalka badan Africa, waxaana sannadkii ku dhinta ku dhawaad 4,000 oo qof.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here