Saturday, July 27, 2024

Sidee Soomaaliya u ekaan doontaa ATMIS kadib?

Muqdisho (Dawan)- Dhammaadka sannadka soo socda ee 2024-ka waxaa lagu wada in dhammaan Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ay ka baxaan, iyada oo mas’uuliyadda amniga dalka ay dhabarka u ridan doonaan Ciidamada Soomaaliya.

Sidee ku billaawday Howlgalka Nabad Ilaalinta?

21-kii Febaraayo 2007, xilli hadda la joogo 16 sano ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay meel mariyeen qaraar oggolaanaya in ciidama ka socda  Midowga Africa la geeyo Soomaaliya oo xilligaas la ciir ciireysay xaalad amni darro, taas oo keeni kartay in ay burburto Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee xilligaas.

 Bishii Maarso 2007, Askarigi ugu horeeyey ee ka socda dalka Uganda ah ayaa kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana xigtay in dhowr waddan oo Afrikaan ah ay  qeyb ka noqdeen howlgalka nabad ilaalinta ee xilligaas loogu magac daray AMISOM.

Burundi ayaa ciidamadoodu yimaadeen December 2007, Ciidamda Hiil-walaal ee Jabuuti ayaa ku xigay oo soo caga dhigtay December 2011, halka kuwa Kenya ay soo galeen February 22, 2012 iyo Itoobiya oo 22 January 2014 noqotay waddankii ugu dambeeyey ee kusoo biiray AMISOM.

April 1, 2022 waxaa la beddelay magacii hore ee AMISOM waxaana loo guuray magaca ATMIS (howlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Africa).

Tan iyo markii la billaabay howlgalka Nabad Ilaalinta, waxaa Soomaaliya ku dhintay 4,000 oo askari, sida uu shaaciyay Xafiiska Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Muddadaas dheer ee ay AMISOM joogtay dalka waxa ay Dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee Caasimadda, sida Garoonka diyaaradaha, Dekadda iyo xafiisyada Madaxda Sare.

Waxa kale oo ay ka qeyb qaadatay in  Al-Shabaab laga saaro Magaalooyiin muhiim ah.

Hase yeeshee waxaa had iyo goorba jirtay dhaliil loo jeediyo oo ah in aysan wax badan ka qaban wiiqidda awoodda Al-Shabaab oo weli khatar xooggan ku ah Caasimadda iyo qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Bixidda ATMIS iyo Dhisidda Ciidaan Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay Qarmada Midoobay sannadkii 2020-ka in lasoo gabagabeeyo howlgalka ay Ciidamada Afrika ku joogaan dalka sidoo kalena Dowladda laga taageero dhisidda Ciidaan Soomaaliyeed oo awood u leh in ay qaadaan mas’uuliyadda sugidda amniga.

Qorshaha ciidan dhiska waxaa ka mid ah in tirada ciidaanka la gaarsiiyo 60,000 oo askari taas oo ka dhigan in askari kasta oo ATMIS lagu beddeli doono 3 askari oo Soomaali ah.

Wasiru Dowlaha Wasaaradda Arrimha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa aaminsan in horumar wanaagsan laga sameeyay qorshaha dib u dhiska Ciidaanka iyo wiiqidda awoodda kooxda Al-shabaab.

Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynaha ay ka hor timid dhowr caqabadood oo kala ahaa in aan la wiiqin awoodda Al-shabaab, ATMIS oo baxeysa iyo inaan la dhisin Ciidaan leh awood ku filan.

“Tillaabadii ugu horeysay uu qaado (Madaxweynaha) waxa ay ahayd inuu abuuro ciidan. Ilaa dhowr iyo toban kun oo ciidan ah ayaa lagu tababaray sanandkii ugu horeeayay. Tan xigta waxa ay ahayd in uu dagaal qaado”. ayuu yiri, Wasiir Balcad.

5 bil kadib dib u doorashadiisi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dhawaaqay dagaal seddex dhinac looga qaadayo Al-shabaab. Dhinaca Fikirka, dhinaca Maaliyadda iyo dhinaca Meleteriga, taas oo ahayd qorshe cusub uu Xasan kusoo kordhiyay dagaal lagu soo afjari waayay xeelad ama awood mudda dheer.

Madaxweyne Xasan ayaa u sheegay Shacabka ” Dowladda aan madaxda ka ahay waxaa ka go’an in colaadda gaamurtay ee argagixisada Al-shabaab lasoo gabagabeeyo”

Dagaal xoogan oo ay Dowladdu la gashay Al-shabaab ayaa qarxay. Waxa ay Ciidamada Dowladda oo garabsanaya ciidamada Qabaa’ilka iyo Dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya ay dib u qabsadeen dhul ballaaran oo ka tirsan Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmdug.

Guulaha ay Dowladdu muddo kooban kasoo hoysay dagaalka Al-shabaab ayaa u muuqday dhoola-tus ah in la gaaray xilligii ay Soomaalidu isku tashan lahayd ugana maarmai lahayd isku halleynta Ciidamada Dowladaha Ajanbiga ah.

“Ciidanka Xoogga Soomaaliyed sannad ka hor meeshi uu joogay maanta ma joogo macnawiyaadkiisa, tababarkiisa, khibraddiisa iyo dhiiranaantiisa” Sidaas waxaa qaba Taliyihii hore ee NISA, Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare

Tuuryare waxa uu kalsooni badan ka muujiyay in Ciidaanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin in ay dagaal la galaan Al-shabaab sidoo kalena ay sugaan amniga gudaha iyo xudduudaha dalka.

Kaalinta ATMIS ee Xilligaan

Dhanka kale, weli waxaa taagan eedeynta loo jeedinayo ATMIS taas oo ku saabsan in aysan si firfircoon uga qeyb qaadanin dagaalladdii ugu dambeeyay ee ay Dowladdu la gshay Al-shabaab, iyaga oo ay ku baxdo malaayiin dollaar.

Taliyaha ATMIS, Sam Okiding ayaa u sheegay Dawan TV in waajibaakoodu uu ku koobanyahay in ay taageero siiyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, si ay uga adkaadaan Al-shabaab balse aan laga rabin in ay xilligaan qaadaan weerar toos ah ama hoggaamiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

” Howlgal waan sameynaa basle waxaa jira farqi u dhaxeeya waajibaadka AMISOM iyo ATMIS. Xilligii hore AMISOM ayaa hoggaanka heysay, basle ATMIS hadda waxa ay caawisaa Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ah hoggaan” ayuu yiri, Sam Okiding.

Sidee Soomaaliya u ekaan doontaa ATMIS kadib?

Kaliya 12 bilood ayaa ka haray in la dhameystiro bixitaanka ciidanka ATMIS, waxaana hadda lagu wareejiyay Ciidamada Amniga Soomaaliya dhowr saldhig, Xarunta Madaxtooyada, iyo Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiiradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay sannd guuradii 80-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay Ciidamada Boliiska Soomaaliya ayaa ku faanay in xilligaan la joogo ay ilaalinayaan Madaxda Dowladda Ciidaan Soomaali ah markii ugu horeysay Jamhuuriyadda seddexaad, isaga oo yiri.

“Jamhuuriyadda seddexaad, waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Janhuuriyadda cid ajnabi ah aysan ilaalinaynin oo Xarumaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka intaba amnigooda si buuxda ay ula wareegeen ciidamada amniga Soomaaliya. ”

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay wareejinta amniga tillaabo muhiim ah oo muujineysa sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay inay si buuxda ula wareegto ammaanka.

“Kadib 16 sano oo ay si wadajir ah ay ciidamada Midowga Afrika iyo ciidamada Soomaaliya u wada shaqaynayeen, hadda ciidamada Soomaaliya oo kaliya ayaa mas’uul ka noqon doona ilaalinta xarumaha muhiimka ah. Qorshaha Amniga Soomaaliya ee dhawaan lagu ansixiyay Magaalada New York ayaa Dowladda Soomaaliya u ogolaanaya in ay kaligeed qaadato mas’uuliyadda amniga. ” ayuu yiri, Wasiirka Warfaafinta.

Wajiga labaad ee dhimista ayaa dib u dhac ku yimid muddo seddex bilood ah kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsatay in muddo 90 maalmood ah la sameeyo hakin farsamo.

June 2023 waxaa dalka laga saaray 2000 oo askari kuwaas oo ka tirsan ATMIS taas oo qeyb ka ahayd qorshaha ilaa 20,000 oo asgari ay dalka uga baxayaan dhamaadka 2024 oo ku asteysan muddada loo qorsheeyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ay uga baxaan Soomaaliya.

Cal Balcad, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u arka in bixitaanka ATMIS uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin amniga iyo xasiloonida dalka, isaga oo sheegay in ay jiraan Magaalooyin aysan joogin ciidan shisheeye hadana nabad ah sida Garoowe iyo Hargeysa.

Jeneraal Tuuryae ayaa dhankiisa muujyay walaac ku saabsan sida ay Dowladdu u maareyn doonto xilliga kala guurka iyo goobaha ay banneeyaan Ciidamada ATMIS balse waxa uu qabaa rajo ah in sannadka ka haray howlgalkooda lagu soo afjari doono Al-shabaab.

In ay Dowladda Soomaaliya la wareegto sugidda iyo maamulka amniga dalka ayaa ah imtixaan cusub oo caalamku ka qaadayo Dowladnimada Soomaaliyeed iyada oo maalamaha soo socda ay ka marqaati kici doonaan sida ay u maareyso howsha culus oo dusha loo saaray.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here