Saturday, July 27, 2024

Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Miraad oo laga daah furay Godey

Godey (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa daah furay maanta oo Isniin ah Garoonka Diyaaradaha Ugaas Miraad ee Magaalada Godey.

Garoonkan oo loo dhisay qaab casri ah ayay bulshada Gobolka Shabeelle iyo guud ahaan kuwa deegaankuba kaga raysan doonaan adeeg xumadii ka jirtay dhanka Garoonka iyo safarada diyaaradaha.

“Waxaan maanta xariga ka jarnay garoonka diyaaradaha Ugaas Miraad ee magaalada Godey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo dhawaan la dhisay”. ayuu Abiy ku yiri bartiisa X, isaga oo intaas raaciyay in Terminalkan cusub ee rakaabka iyo gegida diyaaradaha ay ujeedadiisu tahay in la fududeeyo helitaanka horumar loo siman yahay iyo bixinta adeegyo ku habboon deegaanka.

Abiy Axmed ayaa sheegay in garoonka Ugaas Miraad ee Godey ee Dowlad Deegaanka Soomaalidu uu ahaa mashruuc muhiim ah oo ay fulisay diyaaradda Ethiopian Airlines.
“Madaarkan cusub ee leh terminaalka rakaabka ee ballaaran , wuxuu awood u leeyahay inuu qaabilo afar diyaaradood oo Boeing 737 isku waqqti” , ayuu raaciyay Abiy.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo bartiisa X kusoo qoray Af-Soomaali ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Miraad uu yahay Garoonka ugu tayada badan Garoomadda diyaaradaha Itoobiya marka laga reebo kan Addis Ababa, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’antahay xukuumaddiisa kor u qaadida tirada iyo tayada mashaariicda horumarineed.

Bishii December ee 2023 ayaya ahayd markii Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar uu xariga kajaray waddooyin waaweyn oo ay Xukuumadda Deegaanka Soomaalidu ka hirgelisay Magaalada Godey kuwaas oo ka qeyb qaadanaya fududeynta isu socodka Magaalada gudaheeda iyo isku xirka Magaalooyiinka kale.

Sidoo kale waddooyinkaan ayaa kor u qaaday maqaamka Magaalada Godey oo ah caasimadda labaad ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Waddooyinka xariga la jaray oo seddex ahaa ayaa dhirir ahaana dhan 5.5 Km, waxaana kala fuliyay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha oo 2 waddo dhisay iyo Maamulka Magaalada Godey oo 1 waddo fuliyay.

Qorshaha Xukuumadda Deegaanka waxaa ku jirta in lasii xoojiyo dhismooyinka waddooyinka, waxaana socda hadda 8 jid oo dhirir ahaan dhan 18 KM, iyada oo la dhameyn doono xilli dhaw, sida ay sheegeen Madaxda Horumarinta Magaalooyinka.

Magaalooyinka Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socday sannadihi la soo dhaafay horumar ballaaran oo isagu jira dhinacayda ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga, wax soo saarka beeraha iyo dhimaha nuucyadooda kala duwan iyada oo mas’uuliyiintu ballan qaadeen in ay taratan dhanka horumarka ah la gelayaan Deegaanaada kale ee dalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here