Saturday, July 27, 2024

Geelle: Gobolku ma xamili karo colaad dhax marta Soomaaliya iyo Itoobiya

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka digay colaad cusub oo ka dhax abuuranta Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalan karta heshiiskii Badda ee billaawgii sannadkaan ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Geelle oo wareysi siinayay Wargeysa Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in labada Dowladood ay kawada tirsanyihiin ururo Afrikaan ah iyo kuwa caalami ah kuwaas oo axdiyadoodu ay waajib ka dhigayaan in la ixtiraamo madax banaanida Dowladaha.

“Soomaaliya iyo Itoobiya waxey xubno ka yihiin urur goboleedka IGAD iyo sidoo kale Midowga Afrika, waxaana la og yahay in axdiga labada urur uu dhigayo in la ixtiraamo madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah”. ayuu yiri, Geelle

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa caddeeyay sida ay Dowladdiisa uga go’antahay ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee xubnaha urur goboleedka IGAD, waxa uuna yiri, “Jabuuti oo hadda heysa hoggaanka IGAD, waxa ay caddeynesaa sida ay ugu dhegan tahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah ururka”.

Geelle ayaa muujiyay walaaca xoogan ee uu ka qabo sii hurinta xiisadda ka dhex aloosan dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uuna ugu baaqay labada dhinac inay khilaafka ku xalliyaan wada hadal.

“Waxaan aaminsanahay in gobolkeenu uusan xamili karin dhibaatooyin badan, sidaas darteed waa inaan diirada saarnaa is-dhexgalka dhaqaalaha iyo horumarka, taasna waxaa lagu gaari karaa wada hadal iyo wada shaqeynta wadamada gobolka”. ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha Jabuuti.

 Dowladda Soomaaliya ayaa shalay mar kale ku celisay mowqofkeeda diidmada ah ee ku saabsan heshiiskii Badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland billaawgii sannadkaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diidday waxa loogu yeero “Heshiiska Is-afgaradka” ee ay kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Somaliland oo ah Gobol ka tirsan Soomaaliya 1-dii January, 2024” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyo sidoo kale Qaramada Midoobay inay mawqif adag ka qaataan heshiiskaas sidoo kalena ay cambaareeyaan xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here