Saturday, July 27, 2024

Sawiro: Dabaal degga xulka Ivory Coast ee Koobka Afrika

Abidjan (Dawan)- Xulka Qaranka kubadda cagta ee Ivory Coast ayaa ku guuleystay koobka qaramada Afrika markii seddexaad kadib markii ay 2-1 uga badiyeen dhiggooda Nigeria


William Troost-Ekong ayaa goolka kaliya u dhaliyay Nigeria daqiiqadii 38-aad balse Franck Kessié ayaa kasoo bareejeeyay daqiiqadii 62-aad, iyada oo Sebastien Haller uu goolka guusha u dhaliyay marti geliyaasha koobka ee Ivory Coast daqiiqadii 81-aad.

Xulka Ivory Coast ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka martigeliyay ee qaada koobka tan iyo markii ay Masar ku guulaysatay 2006-dii.


Ivory Coast waxey ka qeyb qaadatay koobka Afrika 24 jeer oo kala ah 1965, 1968, 1970, 1974, 1980, 1984, 1986, 1988, 1990, 1992, 1994, 1996, 1998, 2000, 2002, 2006, 2008, 2010, 2012, 2013, 2015, 2017, 2019 iyo 2023.

Natiijada ugu wanaagsan: Ku guuleysiga koobka 1992, 2015 iyo 2023
Qiimaynta FIFA ee December 2023 waa booska 49-aad.

Dalka Ivory Coast ayaa marti geliyay sannadkaan Koobka Kubadda Cagta ee Qaramada Afrika markii labaad kadib 40 sano markii uu marti geliyay markii ugu horeysay 1984.

Waxaa la kordhiyay 40% lacagatii la siin jiray dalka ku guuleysta koobka, wuxuuna heli doona sannadkaan 7 malyan oo dollar halka waddanka gala kaalinta labaad uu heli doono 4 malyan oo dollaar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here