Saturday, July 27, 2024

Geelle oo booqaasho qaadaneysa 48 saac ku tagay Guinea-Bissau

Bissau (Dawan)- Booqasho qaadaneysa 48 saac ayaa dalka Guinea-Bissau uga billaabatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Umaro Sissoco Embaló.

So dhaweynta kadib labada madaxweyne ayaa qaatay kulan gaar ah oo ay dib eegayaan xiriirka labada dal, waxaana xigay kulan guud oo ay kawada qaybgaleen wasiiro ka kala socday labada dhinac.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii adkayn iskaashiga iyo wadashaqeynta laba geesoodka ah, si ay uga faa’iideystaan muwaadiniita labada dal.

Madaxweynaha Guinea-Bissau ayaa guddoon siin doona Geelle billad sharafta ugu sarreysa dalkaas, waxaana la qorsheynaya in labada madaxweyne ay maanta (Isniin) la hadlaan warbaahinta.

Booqashada Madaxweyne Geelle ayaa daba socota booqasho kale oo uu Umaro Sissoco Embaló ku tagay Jabuuti bishii February ee lasoo dahafay, taas oo muujineysa xiriirka saaxibtnimo ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka ambabaxay shalay magaalada Banjul ee dalka Gambia halkaas uu uga qeyb galay shir-madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray arrimaha xasaasiga ah ah ee ka taagan dunida Muslimka oo ay ka mid yihiin xasaradaha ka taagan Gaza iyo Suudaan.

Shir madaxeedka OIC ayaa sidoo kale looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Islaam naceybka, isbeddelka cimilada, cunto yarida iyo colaadaha ka jira gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here