Saturday, July 27, 2024

Geelle oo la kulmay guddiga IGAD ee xallinta khilaafaadka K/Suudaan

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa madaxtooda dalkaas ku qaabilay guddiga IGAD u qaabilsan xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka Koonfurta Suudaan.

Guddiga oo markii ugu horeysay la kulmay Madaxweyne Geelle tan iyo markii uu noqday guddoomiyaha IGAD, ayaa war bixin ka siiyay howlihii ugu dambeeyay ee u qabsoomay iyo howlaha hortebinta leh ee la qorsheeyay in la qabto xilliyada soo socda.

Guddigaan ayaa qaabilsan la socodka heshiisyadii ay galeen dhinacayda koonfurta Suudaan sannadkii 2018 iyo dhameystirka hannaanka doorasho ee la qorsheeyay in laga qabto dalkaas 2024.

Dalka Koonurta Suudaan ayaa colaado lugta la galay tan iyo markii uu ka go’ay dal weynihii Suudaan 2011, Waxaana dhowr jeer shirar la isagu keenay dhinacyada kala duwan si xal waaro looga gaaro.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ballan qaaday inuu guddiga ku gacan siinayo howsha loo igmaday si looga mira dhaliyo xal u raadinta khilaafaadka daba dheeraaday ee dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in lasoo afjaro colaadaha ka jira gobolka Geeska Afrika , taas oo carqalad ku ah xasiloonida iyo horumarka bulshada ku nool Gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here