Saturday, July 27, 2024

Hoogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo Tareen ku tegay Ruushka

Moscow (Dawan)- Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah, in Tareenki uu saarnaa Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu gaaray dalka Ruushka, si uu ula kulmo Madaxweyne Vladimir Putin.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Kim uu dibadda ugu baxo muddo 4 sano ah,  waxaana la qorsheynaya in labada hoggaamiye ku kulmaan xarunta Jaamacadda Bariga Fog ee Vladivostok si ay uga qeybgalaan Madasha Dhaqaalaha Bariga ee la qorsheeyay in la qabto Sebtember 10 illaa 13

Dadka la socda siyaasadaha labadaan dal ayaa tilmaamaya in  Ruushku ka doonayo Kooriyada Waqooyi Gantaalo iyo Madaafiic looga hor tegi karo Taangiyada, halka Kooriyada Waqooyi ay ka rabto Ruushka  Tiknoolajiyada horumarsan  iyo Nukliyeerka laga dhaliyo Tamarta.

Af-hayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa u sheegay warbaahinta Ruushka in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimo  waaweyn oo xasaasi ah.

Af-hayeenka ayaa intaas raaciyay in aysan jirin wax ku qasbaaya labada dowladoold inay shaaca ka qaadaan arrimaha ay kawada xaajoodaan, isaga oo caddeeyay in labada hoogamiye aysan dheg jalag u siineynin degniinta Maraykanka.

Dowladaha Maraykanaka ayaa hore uga digatay Kooriyda Waqooyi in ay siiso Ruushka hub uu kusii wado dagaalka Ukraine.

Hoggaamiyaha Kooriyada Waqooyi ayaa caan ku ah cadawtooyada Maraykanka iyo xulafadiisa, waxaana loo arka safarkaan uu hadda ku tegay Ruushka mid sii xoojin doona cabsida reer Galbeedka iyo Kooriyada Koonfureed oo saaxib la ah Maraykanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here