Monday, September 30, 2024

Gobolka Tigray… in ka badan 550 dugsi oo loo adeegsado xeryo ciidan

Addis Ababa (Dawan)- In ka badan 550 dugsi oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa weli loo isticmaalayaa xeryo ciidan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan waxbarashada gobolkaas maanta oo ah Isniin.

Ato Redai G. Ezger, oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska waxbarashada ee gobolka Tigray, ayaa waregysa Addis Maleda u sheegay in 552 dugsi ay weli gacanta ku hayaan kooxaha hubaysan, taasoo caqabad wayn ku ah hawlihii iyo adeegyadaii waxbarashada gobolka.

“Inkasta oo iskuulada qaar dib loo furay, , hadana qaar badan ayaan weli aanna shaqaynin sababtoo ah joogitaanka ciidamada,” ayuu yiri Redai, isagoo muujiyay walaaca dhanka amaanka ah ee kajira iskuulada ku dhaw xadka gobolka Axmaarada.

Waxa uu sidoo kale xusay in kaliya 1,835 dusgi ay hadda bixiyaan adeegyo waxbarasho,kadib heshiiskii nabada ee Pretoria, iyada oo wadarta guud ee dugsiyada gobolka ay dhantahay 2,492 dugsi.

Maamulka gobolka ayaa wajahaya caqabado ku aadan in si buuxda dib loogu soo celiyo hanaankii waxbarashada iyada oo gobolku uu halgan ugu jiro sidii uu uga soo kaban lahaa saamayntii uu ku yeeshay dagaalkii u dhaxeeyay Jabhadda Tigray iyo ciidamada federaalka, kaas oo socday muddo laba sano ah.

Dagaalkaas waxaa ku nafwaayay boqollaal kun, malaayiinna way ku barakiciyeen tan iyo bishii Nofembar 2020, inkasta uu joogsaday ka dib markii ay labada dhinac heshiis ku kala saxiixdeen magaalooyiinka Pretoria iyo Nairobi bishii Nofembar 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here