Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo kawada hadlay iskaashiga ciyaaraha

Qaahira (Dawan)- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo safar shaqo ku jooga Qaahira ayaa la kulmay dhiggiisa Masar, Asharf Subxi.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadaly sidii Soomaaliya iyo Masar isaga kaashan lahaayeen xoojinta xiriirrka dhinaca Ciyaaraha iyo Dhallinyarada iyada oo la dardargelinayo howlaha ciyaaraha kala duwan, isdhaafsiga khibradaha, tabaabarada, farsamadaha la xiriirta qalabka ciyaaraha, dhismaha iyo dib u habeynta garoomada.

Wasiirka Ciyaaraha Somaaliya ayaa uga mahadceliyay Masar sida ay garab istaag ugu muujisay dowladda Soomaaliya sannadihii lasoo dhaafay, isaga oo xusay sida uu ula dhacay horumraka ay Masar ka sameeysay dhinaca kaabayaalka ciyaaraha taas oo keentay in ay marti geliso munaasabado waaweyn.

Dhankiisa Wasiirka Ciyaaraha Masar, ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee mudda dheer ka dhexeeyay labada dal , wuxuuna ballan qaaday in ay diyaar u tahay Masar caawinta Soomaaliya si ay horumar uga sameyso dhinaca Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u kala saxiixday heshiisyo kala duwan oo ay mid yihiin  dhinacyada Waxbarashada, Hiddaha iyo Warbaahinta, waxaana labada dowladood ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo qoto dheer.

Kulanka waxa goob jog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira ahna wakiilka  Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labda dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here