Saturday, July 27, 2024

Golaha Ammaanka oo u codeeynaya in Falastiin xubin ka noqoto Q/Midoobay

New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu Khamiista u codeeyo qaraar qabyo ah oo ku saabsan in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.

Qaraarka waxaa soo gudbisay dowladda Algeria arbacadii iyada oo ka wakiil ah Kooxda Carabta.

Qoraalka qaraarka qabyada ah wuxuu soo jeedinaya in Falastiin loo aqoonsado xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Falastiin ayaa hore u heshay xubinimo aan buuxin kadib markii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ogolaaday 29-kii November, 2012.

Falastiin ayaa sanadkii 2011-kii codsatay in ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, balse codsigeedu kama helin taageera dhameystiran Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sida ay wararku sheegayaan dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa in codsiga Falastiin ay kala hortagto diidmada qayaxan, waxeyna hore u sheegtay in arrinta xubinnimada buuxda ee Falastiin ay tahay arrin ay kawada hadlayaan Israel iyo Falastiiniyiinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here