Saturday, July 27, 2024

Golaha Wadatashiga oo ku shiraya Dhuusamareeb

Dhuusamareeb(Dawan)- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug,

“Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada” ayaa lagu yiri qaraal lagu faafiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya. .

kulankaan uu shir guddoominaayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan kasoo qeyb gelin furitaanka shirka, inkasta oo ay Puntland sidaan oo kale hore u qaadacday shirarka Golaha Wadatashiga Qaran kadib markii khilaaf soo kala dhax galay madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Kulankaan ay magaalada Dhuusamareeb marti gelineyso  ayaa ah kii lixaad oo ay ku kulmaan madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada , tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii 2022-ka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here