Monday, May 20, 2024

Dagaalka Laascaanood oo mideeyay dhinacyada siyaasadda Soomaaliland

Hargeysa (Dawan)-Kulan ay maanta yeesheen madaxya weynta siyaasadda labada dhinac ee Soomaaliland ayaa caasimadda Hargeysa ka qabsoomay.

Shirka kadib ayey madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wada qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen dagaalkii shalay looga qabsaday ciidamada Soomaaliland deegaanka Goojacadde.

Cirro iyo Biixi oo is dhinac taagan, isku qaddiyad ah oo mowqifkooduna mid yahay waa arrin aysan horay u odorrosin khubarada siyaasadda.

“Baratanka siyaasadda iyo damaca xukun-doonku nagama leexin karo qaddiyadda Somaliland” waa farriinta ay direen kadib khasaare ciidanka Soomaaliland ka soo gaaray dagaal ka dhacay Sool.

Biixi ayaa qiray in khasaaro weyn kasoo gaaray dagaalkii shalay, wuxuna shacabka ugu niyad qaboojiyay in laga aar gudi doona, waxa uu ugu yeeray cadawga Soomaaliland.

Soomaaliland ayaa sheegtay inay baareyso sida ay wax u dhaceen iyo cidda mas’uulka ka ahayd khasaaraha soo gaaray askarteeda iyo aagagga ay lumiyeen ee gobolka Sool. Waa mid kamid ah khasaarihii ugu xoogganaa ee ka soo gaaro dagaalka muddo 8 bilood ah.

“Dagaallo badan oo siddeed bilood socday, waa markii ugu horreysay ee ciidanka Soomaaliland dhibaato weyn soo gaaarto” ayuu yiri Biixi.

Cirro  oo ay ka muuqato inuusan warbadan u xiisa qabin ayaa kusoo koobay hadalkiisa in midnimada Soomaaliland laga hormariyo wax kasta.

Dhanka kale magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaa socda dabbaal degga guusha ciidamada deegaanka. Waxay sheeganayaan hanashada hub fara badan, qafaalashada askar iyo la wareegidda deegaan ballaaran.

Dhammaan xogta, muuqaallada iyo sawirrada Laascaanood  ka yimaada waa kuwa ay wadaagaan taageerayaasha SSC-Khaatumo. Ma jirto warbaahin dhexdhexaad ah oo deegaanka ka howlgasha, sidaas darteed, lama heli karo warar lagu kalsoonaan karo oo ilo rasmi ah kasoo baxa.

Dagaalka Sool ama si xaddidan, dagaalka Laascaanood, Soomaaliland waxbadan ayey ku khasaartay, naf, maal iyo deegaanba, balse hadda waxa uu u muuqdaa inuu xal u noqday kala qeybsanaan xooggan oo laga baqayay inay wiiqdo jiritaankeeda Soomaaliland oo mararka qaar gacan ka hadal gaartay.

Kadib ku heshiintii muddada iyo hab-raaca doorashada oo lagu daray midnimada Cirro iyo Biixi ee maanta ma soo suurtagelin doontaa in ay Laascaanood dib ugu soo celiso gacanta Soomaaliland, mise Daraawiishku waxa uu xaqiijin doonaa himilada deegaanka ee ah maamul federaal ah oo wax la qeybsada xubnaha kale ee dowladda Federaalka  Soomaaliya.

Waa su’aal ay ka jawaabi doonaan maalmaha iyo bilaha soo aaddan basle khasaare intee la eg?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here