Saturday, July 27, 2024

Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo ku kulansan Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Dawan)- Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug gaaray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad  goboleedyada kuwaas oo ka qeyb gelaaya  shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran  ayaa   diiradda lagu saari doona xaaladda amniga dalka, Deyn cafinta  iyo dardar-gelinta hawlgallada dalka looga ciribtiraayo dagaalamayaasha  Al-shabaab.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor)   ayaa  magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay shalay madaxda ka qeybgaleysa, kuwaas oo kala ah Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre,  ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  iyo madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) 

Madaxweynayaalka maamul goboleedka Hirshabeele iyo Jubbaland ayaa iyaguna maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isbuucyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa shir guddoomi doona shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filaayo inuu dhawaan ka billaawdo caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni   oo ka maqnaa ka qeyb galka  shirka Golaha Wadatashiga Qaran  muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa hadda ku  sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya,  mana cadda inuu kasoo qeyb geli doono shirka Golaha Wadatashiga Qaran .

Kulanka ay magaalada Dhuusamareeb marti gelineyso  ayaa ah kii lixaad oo ay ku kulmaan madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada , tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii 2022-ka

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sugnaa magaaalada Dhuusamareeb saddexdii isbuuc ee lasoo dhaafay, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay qeybaha bulshada si loo dardar geliyo dagaalka dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here