Saturday, July 27, 2024

Guddiga doorashooyinka Puntland oo soo saaray go’aan buuq dhaliyay

Garoowe (Dawan)- Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa xalay si rasmi ah u soo saaray jadwalka doorashada Puntland ee waaydii ugu dambeysay ay isku khilaafsanaayeen hannaanka ay u dhici doonto mucaaradka Puntland iyo xukuumadda Deni.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ayaa lagu caddeeyay in doorashada Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo baarlamaanka ba ay dhici doonaan 25 February ee sannadka 2024, shacabkana ay soo dooran doonaan.

Sidoo kale, guddiga ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay in dib loo furay diiwaangelinta cod bixiyayaasha, lana bilaabi doono December 2023.

Sida ku cad jadwalkan ay soo saareen guddiga doorashooyinka Puntland ayaa muddo kordhin u samaynaya xukuumadda Siciid Cabdullaahi Deni, iyada oo muddo xileedka Madaxweynaha Puntland ay uu ku egyahay January 8, 2024.

Dalladda Mucaaradka Puntland ayaa ka hor timid jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee muddo kordhinta loogu sameeyay maamulka jira.

Dalladda ayaa waxgaradka Puntland ugu baaqday in laga hortago go’aankaan, iyaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu xasiloni darro u horseedayo Maamul Goboleedka

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay jadwalka ay guddiga doorashada soo saareen, isaga oo sheegay in aysan guddiga awood u lahayn in ay muddo kordhin aan wadatashi laga gelin u sameeyaan Siciid Cabdullaahi Deni.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa bartiisa X kus qoray ” Haddii Madaxweyne lagu doortey muddo-xileed la yaqaan uusan diyaar u aheyn inuu xilkaas baneeyo markii muddo-xileedkiisu dhammaado, hadde maxaan ula dirineynay kacaankii?

Go’aanka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa u muuqda mid dhalin doona buuq siyaasadeed oo hor leh, kaas oo lawada sugayo sida ay reer Puntland u maareeyaan maalmaha soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here