Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kawada hadlay dagaalka ka dhanka ah A S

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynnaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qaabilay siihaayaha safaaaradda Mareykanka, Shane Dixon iyo Taliyaha Africon ee Soomaaliya Korneyl David J.Haskell, isaga oo kala hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya Kula jirto dagaalmayaasha Al-shabaab.

Kulanka mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo laabtay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas uu ka hogaaminayay dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay Shabaab uga saarto deegaanada Soomaaliya oo ay hadda ka tilyaann.

Sidoo kale kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehliyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka Lugta.

Dowladda Mareykanka ayaa dagaalka uga qeyb qaadata dhanka duqeymaha cirka ee lagu beegsado dhufeysyada iyo hogaamiyayaasha dagaalamayasha Al-shabaab, waxeyna Soomaaliya u tabartay una qalabeysay ciidamada Danab.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale ka codsaday dowladda Mareykanka taageero ka badan tii hore si ay uga guuleystaan Al-shabaab.

Dhankooda Mas’uuliyiinta ka socday dowladda Mareynkanka ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay dagaalka ay kula jirto dagaallamayaasha Al-shabaab kaas oo ay deegaano badan ugala wareegtay kuwaas oo inta badan ku yaala maamul Goboleedyadda Hirshabeelle iyo Galmudug, dagaaladaas oo soo billawday ka dib doorashadii Madaxweyne Xasan bishii May ee sannadkii hore.

Mas’uuliyiintaan ayaa tilmaamay doorka ay dowladda Soomaaliya oo nabad ah ay ka qaadan karto xasiloonida geeska Africa iyo caalamka.

Wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-shabaab ayaa inta badan ak dhacay deegaanada hoos taga Galmudug iyo Hirshabeelle, iyada oo dhawaan la filayo in wajiga labaad ka billaawdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda iyo maamul goboleedyadaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here