Thursday, April 17, 2025
Array

Guddiga Doorashooyinka oo Ku Dhawaaqay saamileysa siyasadda dalka

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta sheegay in ilaa shanta urur ee siyaasadeed ee ilaa hadda isdiiwaangaliyay ay yihiin saamilayaasha saxda ah ee siyaasadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikarim Axmed Xasan, ayaa ka hadlay xaflad ballaaran oo lagu guddoonsiinayey shahaadooyinka ururro isdiiwaangaliyay, isagoo sheegay in shanta urur ee siyaasadeed ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan doorashada soo socota ee golaha deegaanka isla markaana ay yihiin dadaka saxda ah ee saamileyda siyaasadda ah.

“Shanta urur aan diwaan gelinnay, xukuumadda dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa ah saamileyda saxda ah ee siyaasadda dalka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in shan urur siyaasadeed ay si rasmi ah isu diiwaangeliyeen, isla markaana ay yihiin saamileyda saxda ah ee siyaasadda Soomaaliya. Si kastaba, sawirradii la baahiyay ayaa muujinaya oo keliya saddex urur siyaasadeed – Ururka Dadka, Ururka Isbeddelka Dimoqraadiga iyo Ururka Dib-u-heshiisiinta iyo Horumarinta. halka Ururka Midowga Soomaaliya uu horey u qaatay shahaadada. Tani waxay keeneysaa su’aalo ku saabsan ururka shanaad ee guddigu sheegay. Xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan weli si rasmi ah u caddeyn inay shahaado heleen, ayaa loo arkaa inay yihiin midka shanaad, maadaama ay horey taageero u muujiyeen.

Hadalkaan Guddiga ayaa yimid iyadoo shalay Beesha Caalamka ay codsatay in si degdeg ah loo qabto madasha uu Madaxweynaha Xasan ku dhawaaqay, taas oo ay sheegtay in loo baahanyahay in uu dhex maro Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha Federaalka iyo daneeyayaasha siyaasadda iyo bulsho.

Saamilayda ama daneeyayaasha siyaasadda ayaa horay dood badan uga taagneyd cidda ka qeyb qaadanaysa madasaha uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan.

Diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa la furay 20-kii Janaayo, waxaana la sheegay in la sii socon doono ilaa 20-ka Abriil.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here