Monday, February 3, 2025

Muqdisho ma u diyaarsan tahay doorashada qof iyo cod ah?

Muqdisho, Soomaaliya – Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDSQ) ayaa shalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah goobaha loogu talagalay in lagu qabto doorashooyinka golaha deegaanka ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga, xubnaha booqday goobaha cod-bixinta ayaa qiimeyn ku sameeyay qaab-dhismeedka iyo diyaar garowga goobaha doorashada, iyagoo sidoo kale kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Waberi, iyo Warta-Nabada si ay u qiimeeyaan diyaar garowga doorashooyinka.

Mas’uuliyiinta degmooyinkaas ayaa sheegay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen doorashooyinka golaha deegaanka oo lagu wado in markii ugu horeysay ay noqdaan kuwo ku saleysan nidaamka qof iyo cod.

“Mas’uuliyiinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Waberi, iyo Warta-Nabada ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin doorashooyinka golaha deegaanka ee qof iyo cod,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah booqashpooyin Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ay sheegeen in ay ku tagayaan goobaha codbixinta si loo hubiyo in doorashadu u dhacdo si habsami leh.

Guddigu ayaa horey u sheegay in ka badan 300 xarumood oo codbixin ah ay u diyaarsanyihiin, kuwaas oo dhawaan lagu soo kordhin doono xarumo hor leh. Ugu dambeyn, tirada guud ee xarumaha codbixinta ayaa la qorsheynayaa in la gaarsiiyo illaa 800, taasoo sare u qaadeysa awoodda ka qeybgalka doorashada sida uu sheegay guddiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here