Monday, May 20, 2024

Soomaaliya oo sheegtay in la dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay  magaalada Buq-aqable ee gobalka  Hiiraa lagu dilay 18 xubnood oo ay ku jireen horjoogayaal.

Howlgalkaan oo dhacay maanta oo Jimcaha ah ayaa lala beegsaday saddex xarumood oo Al-shabaab u isticmaali jireen howlo kala duwan, sida ay sheegtay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

“ Inta la xaqiijyay howlgalka waxaa Khawaarijta uga geeriyooday 18 Khawaarij oo labo ay horjoogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen qoryo  culus, waxaana la burburiyay labo xafiis iyo goob isbaaro u ahayd” ayaa lagu yiri, warbixin ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda laguma sheegin magacyada iyo xilalka labada horjooge ee la dilay.

Xoogaga Al-shabaab ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin howlgalkaan la sheegay in looga dilay xubno sidoo kalena looga burburiyay hub iyo xafiisyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here