Saturday, July 27, 2024

Guddoomiye Madaale oo diginin u diray dadka ka baqaya dagaalka Al-shabaab

Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay dadka caasimadda deggan inay ka wada qeyb qaataan la dagaalanka xoogaga Al-shabaab, isaga oo u digay dadka kacabsanaaya Al-shabaab.

“Haddii cadawgu kusoo laabato Xamar, nabad lagu joogi maayo, sida darteed waxaan qabaa inaan u diyaar garowno kulligeen, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, culumo iyo caami, aqoonyahan, cid kastaba inaan baxno ayaa la rabaa” ayuu yiri, guddoomiye Madaale.

Madaale ayaa u hanjabay dadka ka baqaaya Al-shabaab ee aan dowladda ka baqeynin, isaga oo sheegay in xabsi la dhigi doono dadka ka dhumaanaya la dagaalanka xoogaaga Al-shabaab.

“Dad badan oo xasbi ku jira ayaad arki doonataan, odayaal akhyaar isu heysta iyo ganacsatada ka baqeysa Al-shabaab. Haddii ay naga cabsan waayaan anaga oo dowlad ah , Shabaabna ka cabsanaayaan, waxaan tuseynaa in anagana nagala casban karo. Waa ka daba geyneynaa, cid aan ka yeeleyno ma jirto, xabsiga ayaa lagu uraaya” ayuu yiri goddoomiyaha gobolka.

Guddoomiya gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in asyan suurtga gal ahayn in madaxweynihi dalka uu joogo furimaha dagaalka, dadka kalena ay iska fadhiiyaan guryahooda, isaga oo ballan qaaday in isaga iyo guddoomiyaalka degmooyinka aadi doonaan dhawaan furimha dagaalka si ay u garab istaagaan ciidanka.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada dowladda Soomaaliya ay furimaha iyo deegaanada dhawaan la xoreeyay la joogaan ciidamada dagaalka kula jira xoogaga Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here