Saturday, July 27, 2024

William Ruto oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Imaaraadka

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Saalim Ibraahim Al-Naqbi, Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhi doona Kenya, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas.

Danjiruha cusub ayaa  farriin  uu ka siday madaxweynaha dowladdiisa Sheekh Maxamed bin Zayed Al-Nahyan guuddoonsiiyay Madaxweynaha Kenya, wuxuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay magcaabista Danjire Saalim Ibraahim, isaga oo u rajeyayay inuu ku guuleysto shaqada loo soo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddiisu kala shaqeyn doonto fududeynta howlihiisa shaqo.

Munaasabadda soo dhaweynta kadib ayey madaxweyne Ruto iyo Danjire Saalim  dib u eegis ku sameeyeen dhinacyada iskaashiga Imaaraadka iyo Kenya, waxaana laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah  si looga mira dhaliyo yoolka labada dowladood iyo shacabkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here