Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Tamarta

Kigali (Dawan)-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Jaamac Taqal Cabaas ayaa kala hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti Yoonis Cali Geedo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka Tamarta iyo sidii la isku weydaarsan lahaa khibradaha la xiriira tamarta

Labada wasiir ayaa kulmay kadib markii ay magaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb galeen shirka shanaad ee horumarinta Tamarta ee wadamada qaaradda Afrika

Shirka ayaa sannadkaan lagu tala galay in lagu soo bandhigo horumarinta wadamada xubinta ka ah ururka iskaashiga adduunka ee ka faa’ideysiga tamarta soolarka.

Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah ah, waxeyna dowladda Jabuuti ka qeyb qaadata dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo sidii nabadda iyo xasiloonida loogu soo celin lahaa gobolka Geeska Afrika.  

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here