Saturday, July 27, 2024

Guddoomiyihii Wakiilada Mareykanka oo xilkii laga xayuubiyay

Washington (Dawan)- Xubnaha Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xilkii Guddoomanimo ka tuuray Kevin McCarthy kadib markii uu waayay aqlabiyaddii uu ku xajisan lahaa inuu sii hoggaamiyo Aqalka Wakiilada.

Kevin McCarthy (oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga) ayaa xilkiisa waayay kadib markii ay ka codeeyeen 216 xildhibaan oo ay ku jiraan 8 xisbigiisa ah.

Patrick McHenry ayaa sii noqonaya sii haayaha xilkaas ilaa laga soo dooranayo Guddoomiyaha cusub ee Wakiilada Mareynka, halka McCarthy oo sii wadan doono shaqadiisa xildhibaanimo.

Waa markii ugu horeysay taariikhda Mareykanka in ka badan 110 sano, ee Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada, cod looga qaado xilka.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga taliyo oo war kasoo saaray tillaabadaan ayaa sheegay inuu had iyo jeer diyaar u yahay in si daacad ah ula shaqeeyo xildhibaanada Aqalka Wakiilada ee xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.

Qoraalka kasoo baxay, Aqalka Cad ayaa lagu caddeeyay in Madaxweyne Joe Biden uu rajeynayo in xildhibaanada Wakiiladu ay sida ugu habboon uguna deg-degsan usoo doortaan Guddoomiye cusub iyaga oo gudanaya mas’uuliyadda saaran.

Xildhibaanka ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Gerry Connolly ayaa sheegay in xisbiga Jamhuurigu ku jiro xaalad adag, maadaama aysan soo saari karin qof kalsooni ka heli kara Aqalka Wakiilada

Connolly ayaa intaas raaciyay in xildhibaan Hakeem Jeffries uu yahay musharaxa Dimuqraadiga ee Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Waxaa xusid mudan in McCarthy loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Mareykanka bishii Janaayo ee sanadkaan, kadib 15 wareeg oo codbixin ah.

Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa ah jagada seddexaad ee ugu muhiimsan nidaamka siyaasadeed ee Mareykanka marka laga soo tago xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here