Saturday, July 27, 2024

ATMIS oo sheegtay in howlgal mideysan A S looga saaray Cali Fooldheere

Muqdisho (Dawan)- Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS aya sheegay in daggaalamayaashii Al-Shabaab lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka howdka ah ee Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka dib howlgal ay iska kaashadeen cidamada dowladda, ATMIS iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley..

Ciidamda ATMIS oo war ka soo saaray howlgalkaan ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay weeraro ka geysteen deegaanka si ay Al-shabaab uga saaraan.

“Howlgalkaan guuleystay ayaa socday tan iyo 1-dii bishaan Okboobar si looga saaro Shabaabkii ku sugnaa keynta Cali Fooldheere” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ATMIS.

Ma jiro warar laga helayo dadka deegaanka oo caddeyn kara cidda ku sugan deegaanka iyo qasaaraha ka dhashay dagaalka maalmiihi lasoo dhaafay socday, marka laga soo tago warka ATMIS ay ku sheegatay in ay qasaara weyn u geysatay dagaalamayaasha Al-shabaab.

ATMIS ayaa warkeeda raacisay in uu socdo howlagal miina baaris ah oo ay ka wadaan waqooyiga degmada Mahadaay ee maamul goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya maalmo ka dib markii ay dowladda Soomaaliya codsatay in hakin farsamo lagu sameeyo bixitaanka ciidamda nabad ilaalinta u jooga dalka.

Dhowr jeer ayaa lagu eedeyay ATMIS in aysan ka qeyb qaadan dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay Al-shabaab uga saarto deeganada ay ka tiliyaan, gaar ahaan dagaaladdii ka socday bilihii lasoo dhaafay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa bogaadiyay iskaashiga amniga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Ergeyga ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay ATMIS in ay si buuxda mas’uuliyadda amniga ugu wareejiso laamaha amniga Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha kala guurka.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ciidamadeenna ATMIS iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku wiiqayaan Al-Shabaab. ATMIS waxaa ka go’an hirgelinta qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, kaas oo ah in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Danjire Maxamed El-Amiin

Dowladaha ay ciidamada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ayaa taageeray codsigii Soomaaliya ee ahaa in hakin farsamo lagu sameeyo bixitaana ATMIS muddo seddex bilood ah,

 Wasiirada arrimaha dibadda ee shanta dal ayaa warqad ay ku caddeynayaan taageeradooda u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Ferit Hoxha.

Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa bartiisa X kusoo qoray ” Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada ATMIS ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalkii kaymaha Cali Fooldheere ee Hirshabeelle, iyaga oo ka saaray Al Shabaab. Howlgalkan ayaa tusaale u ah sida ay uga go’antahay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda in nabad iyo xasillooni lagu soo dabbaalo dalka”.

Walaaca laga qabo in bixitaanka ATMIS saameyn ku yeesho amniga Soomaaliya ayaa isa soo taraya, xilli uu billowday wajigii labaad ee bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyadoo ugu yaraan 3,000 oo askari la qorsheeyay inay dalka ka baxaan dhammaadka bishii September ee dhammaatay.

Wajigii koowaad ee dhimista ciidamada ayaa Soomaaliya laga saaray in ka badan 3,000 oo askari, waxaana wajiga labaad uu yahay tallaabadii ugu dambeysay ee dhimista ciidamada, taas oo sahlaysa in gebi ahaanba laga saaro ciidamada ATMIS ee ku harsan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here