Saturday, July 27, 2024

Pakistan oo tarxiileysa qaxootiga Afghanistan iyo QM oo ka hortimid

Islamabad (Dawan)- Qaramada Midoobay ayaa ka hor timid qorshaha ay dowlada Pakistan ku dooneyso in ay ku tarxiisho qaxootiga aan si sharci ah dalka kusoo gelin.

Dowladda Pakistan ayaa u qabatay qaxootiga sharciga aan heysan in ay dalka uga baxaan ilaa 1-da bisha November ee socota, iyada oo caddeysay in haddii muddadaas la dhaafo la tarxiili doono, sidoo kalena lala wareegi doona hantidooda.

Qaiser Khan Afridi , oo ah afhayeenka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, ayaa sheegay in go’aanka dowladda Pakistan uu yahay mid aan la aqbali karin, isaga oo yiri ma ahan in cadaadis la saaro qaxootiga, haddii ay baxayaan waa in ay ku baxan go’aan ay iskood qaateen”

Qaiser Khan, ayaa intaas raaciyay in Hay’adda UNHCR ay diyaar u tahay in ay Pakistan ka taageerto sidii loo samayn lahaa hannaan lagu maareeyo laguna diiwaan geliyo dadka qaxootiga ah ee u baahan ilaalinta iyo daryeelka caalamiga ah.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ilaa 1,300,000 oo Afghanistan ​​ah in ay sharci qaxootinimo ku joogaan Pakistan, halka 880,000 oo kalena ay haystaan ​​sharci u ogolaanaya inay sii joogaan Pakistan.

Sida laga soo xigtay Booliska Pakistan, ugu yaraan 700 oo Afghanistan ​​ah ayaa lagu xiray Karachi oo keliya tan iyo horraantii September, iyada oo ay jiraan boqolaal lagu xiray magaalooyin kale.

Wasiirka arrimaha Gudaha Pakistan,Sarfraz Bugti ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumaddu go’aan ku qaadatay in ay musaafuriso in ka badan hal milyan oo ajaanib ah oo si sharci darro ah ugu nool dalka , isagoo ku eedeeyay in ajaanibta qaarkood ay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo fududaynta falal argagixisnimo.

Wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyay in 14 qof oo kasoo jeeda dalka Afghanistan ay ka qeyb qaateen weeraradii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday xarumaha kala duwan ee ammaanka iyo dad rayid ah tan iyo bishii January ee sanadkan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here