Saturday, July 27, 2024

Haiti oo soo rogtay bandow kadib markii ay baxsadeen kumanaan maxbuus

Port-au-Prince (Dawan)- Dowladda Haiti ayaa ku dhawaaqday xaalad ah iyo bandow habeenkii ah si ay u xakamayso mowjado rabshado ah oo ka dhashay weerar ay kooxo burcad ahi ku qaadeen xabsiga ugu weyn ee dalkaas kaas oo kumanaan maxaabiis ah ay ka baxsadeen.

Dawladdu waxay sheegtay in bandowgu bilaabmayo lixda fiidnimo ilaa shanta subaxnimo, wuxuuna socona doona ilaa 6-da bishaan March, iyada oo la kordhin doona haddii loo baahdo.

Magaalooyinka Bandowga lagu soo ragay waxaa ka mid ah Gobollada Galbeedka, oo ay ku jirto caasimadda, Port-au-Prince.

Dawladdu waxay tilmaamtay in ujeeddada bandowga ay tahay sidii loo soo celin lahaa kala dambeynta iyo in la xakameeyo rabshadaha socda.

Baxsasho kumanaan ah

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dayeen kumanaan maxbuus ah in ka baxsadaan xabsi ay ku xirnaayeen oo ku yaal Caasimadda dalkaas, kaas oo ay soo weerareen kooxo hubaysan habeenimadii Sabtida.

Boliiska ayaa awoodi waayay in ay ka hortagaan burcadda soo weerartay xabsiga, waxaana baxsaday maxaabiis lagu qiyaasay ilaa 3,700 oo qof, kuwaas oo qaarkood ay ku eedeysanaayeen afduub, dil iyo dambiyo kale.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerar kale uu ka dhacay xabsi ku yaalla Bariga Caasimadda oo lagu magaaabo Croix des Bouquets, walina ma cadda in maxaabiista halkaas ku jirtay ay sidoo kale u suurtagashay in ay baxsadaan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii October ee lasoo dhaafay isku raacay in dalka Haiti loo diro ciidamo caalami ah oo ay hoggaaminayso dDwladda Kenya, si ay laamaha amniga ee dalkaas uga caawiyaan ka hortagga rabshadaha kooxaha burcadda ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka taagan Haiti ay ku dhinteen dad ka badan 2,400 oo qof  sannadkii 2023

Dalka Haiti ayaa galay xaalad amni xumo iyo colaad kadib markii la dilay Madaxweyne Jovenel Moise  sannadkii 2021, waxaana xoogeystay kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda Dowladda kuwaas oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here