Saturday, July 27, 2024

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ciidamada Dowladda iyo AS

Muqdisho (Dawan)- Saacadihi lasoo dhaafay waxaa dagaal ku dhax maray deegaano kala duwan ciidanka Dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, iyada oo ay sidoo kale Al-Shabaab ay ka fuliyeen Muqdisho dhowr dil.

Gobolka Bakool

Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadu weerareen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wali lama sheegin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarka.

Kaaraan, Gobolka Banaadir

Xuno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Gaashaanlle Cali Calasow (Madaxeey) oo katirsanaa saraakiisha Boliiska Soomaaliya.

Gaashaanlle Cali Calasow ayaa hore usoo noqday taliye ku xigeenka Boliiska Degmada Waaberi iyo taliyaha Taraafikada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada Danab oo kaashanaya ciidamada Jubbaland ayaa Howgallo ciidan ka wada maalintii seddexaad deegaano hoos taga Gobolka Jubbada Hoose ee Maamul Gobolleedka Jubbaland.

Dowladdu waxa ay sheegtay in 35 xubnood oo ay ku jiraan ajaanib ku dishay howlagallada, halka dhowr qof oo kale lasoo qabtay.

Deyniile, Gobolka Banaadir

Kooxda Al-Shabaab ayaa dishay Nabaddoon lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Muxidiin, kadib markii ay weerareen gurigiisa oo ku yaal Degmada Deyniille ee Gobolka Banaadir.

Qoyska Nabaddoonka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe lasoo weerary guriga uu degganaa Marxuumka kadibna uu dagaal dhax maray ilaaladii Nabaddoonka iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay ka dambeeyeen weerarka, waxayna caddeeyeen in mid ka mid ah uu dhintay, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here